Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Qabsaday Moqokori


Shabaab
Shabaab

Kooxda Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan kadib markii Ciidamada Ethiopia ay saaka ka isaga baxeen.

Sidoo kale ciidanka Soomaalida ayaa waxa ay baneeyeen Fariisimahii ay kaga sugnaayeen deegaanka kadib bixitaanka ciidamada Ethiopia.

Sarkiil ka tirsan Ururka Al-Shabab ayaa meel fagaaro ah kula hadlay dadkii shacabka ee magaalada ku haray.

VOA ayaa isku dayday in ay dhanka Saraakiisha dowladda ka xaqiijiso balse uma suurto galin in aan teleefoon ku helno.

Gudoomiyaha Moqokori Xasan Barre Makaran ayaa goor sii horeysay VOA u sheegay in ciidamada Ethiopia ay u sheegeen inay deegaanka uga baxeen howlgal.

XS
SM
MD
LG